noqda laba is doortoo
dambarsada jacaylkoo
dugsi laba wadaago
raba inay dagaanoo
ka dib wada durduurtan

la damac aroos gala
intuu gacal dabaal dago
loo tumo durbaaniyo sacab
markuu dhaco damaashaad
sacabkuba ha soo dago

anagana ducadayada
inan darajo wayniyo
darmaan gabadha iyo wiil
wada daadahaysaanbaan
DAA'IM idiin baryaynaa

hadii qurux la doorbido
dumar qalanjadiisaad
daacad mudane weheshada
da'da ugu macaanee
duqa laga helaad tahay

adna hanad ku deeqoo
laga wada danbeeyaa
daawashiyo kal gacal farax
qiimo badan dareemee
xiisaha ku diirsada

Exit mobile version