Muuqiyo aragaaga wacan
Markaan milicsiga ku dayay
Mahiigaan caashaqiyoo
Miiraalaa igu onkaday
2x
Mawjado ila sara tagaa
Naftayda maquuniyoo
Badwayn ban maaxayaa
2x
Naftana madigaa u daran
Matano kula noqdee
sidan muhashada Jeclahay
marnaba maya haygu odhan
2x
Markan mudo aan nastee
Malaystay inan bogsadey
Muraayad qalbiga kutaal
Ayuunbad ka muuqataa
2x
Markan muxibada jacayl
Saq dhexe so sara kacay
Adoo soo maqanban arkaa
Adoo maqanban arkaa
2x
Naftana madigaa u daran
Matano kula noqdee
sidan muhashada Jeclahay
marnaba maya haygu odhan
2x

Exit mobile version