Nimco Dareen:
Calankii dalkaygoow
kuu caleemo saarnee
Ciidayna weeyoo
Cimirigaagu dheeraay
Curad dhahshay sidiisii
Waa in laguu caweeyo
Rabigayga caadilka ah
Ceeb hakaa ilaalshee
Cirka sare lagugu taagee
Calanyahoow
Cisi sharaf adaa mudan
Calanyahoow
Shurki sindiko:
Calankii dalkaygoow
kuu caleemo saarnee
Ciidayna weeyo
Cimirigaagu dheeraay
Calanka baluuga ah
cirka caadka maraayo
xidigtaa ku caano
kugu caasi maayee
Cirka sare lagugu taagee
Calanyahoow
Cisi sharaf adaa mudan
Calanyahoow

Exit mobile version