Saabuun cadar miyaa
Ma cadceed soo baxdaa
Yarkaan caashaqiisa
La can toobayoow
Cidlaan ka raadiyaa
2×
Anigoon cid hayn
Kolna soo cartamay
Casar tahay hadana
Cida haraa miyay
Baan dhex caraaraya
2×
Caadiloo allow calaf Baa mar qudha
Eeyarkii aan calmaday
Intaan ciida galin
Caano wada dhannaa
2×
Raha ciyaaya iyo
Codadbaan maqlaa
Ma libaaxbaa cartamay
Ma codkaagibaa
Maanaad igu cabsiin
2×
Cirku igu dayoo
Cobolana helee
Caadilbaa qorayee
Caawa anoon ku helin
Cidlaan maan baryaa
2×
Caadiloo allow calaf Baa mar qudha
Eeyarkii aan calmaday
Intaan ciida galin
Caano wada dhanaa
2×
