sida aad dhalaan tahay oo aan ku
dhalay dadkakaa dhawaystee
dhinacyada wadnaha iyo dhuuntu
kalgacalkuna dhabtuu igaga yalaa
dhabtuu jaclku yaalaa dhabtuu jaclku yaalaa
sida dhiraha midhaha leh oo dhibic
dayreed subaxnimo kusoo dhacay
oo dhalabtiyo malabkaba dhirta dacalkasaaran
aankuudhaweeyoo marna aan ku dheehdee
adiguna hadheeraan ilaah haybad iyo qurux
intuu kuudhameeyaa hablo taako dheerahay
waxa gala dhaqmaatiyo ifka dheeman iyo luul
laguu dhaafsan maayee dhabtuu jaclku yaalaa
dhexda taako iyo socod ama dhabarka geeyada
sida damar dhulka is wadhay timahaagan kala dhacay
waa waxa idhaawacay

Exit mobile version