Gabaryahay muggeediyo
Garaadkeedu wacanyahay
Midabkaagan gaarkaa
Gooni iigu muuqdoo
Guurdoon ayaan ahay
Gayaankaana ahay
Gara'ra'da galkacalkiyo
Gabayada magarataaa

Goodkiii shinbira dila
Isagoon u garaabeen
Ayuu gees u bayraa
Badiyaa galgalshada
Gabanyahoow ujeeddada
Adiin hadalka gees marin
Gallayr dumar miyaad tahay
Bal gaddaada iisheeg

Gallad eebba weeye
Laafyaha garaaraha
Adigoon igeesmarin
Geedka miraha maad guran
Gun dhig reerka ma u noqon

Anoon kuu gafeeyn adii
Geenya aanad gooyn kerin
Gacal laguma dayo maran
Inaad gaabsataa roon
War hooy gaabsataa roon

Goobkastoo aan joogaba
Gadaal kuuma celiyee
Garan maayo waxaad gocan
Gardarada waa baab
Gacalooy ha fududaan

Garashiyo nasiibkeey
Garaadkaygu igu filan
Hooyoyoo warkaagee
Gadaal haay iigu soo noqon

Exit mobile version