Adaa ugu mudan
Marlay dumar mowlaa
Kugu daday milgiyo
Sharaf marnaba xumo
Meelna kuma lihidoo
Mulaax iyo galool
Mudhaa tahay
X2

Maah maah iyo hadala
Meel mara rabaa kugu
Maneestay kugu milay
Muuqaagay indhuhu
Macaan sadayee
Naftana kala maagay
Meel kale X2

Murugootay hadaad
Murugootay maalmo
Badnaa ma martiday
Laabtii ku martiday
Maceeda noqdoo
Ka daran sida malabki
Muudsoo mudsoo
Ka maydho wixii ku
Maray X2

Murugootay hadaad
Murugootay maalmo
Badnaa farxadeed
Mowjada farxadeed
Marqudhaato qalbiga
Muxubada ku manshe-
Yoo ka maydho wixii
Kusoomaray X2

Xidhiidh midha dhalay
Maal gali dookhana
Mulkidee hamaanicin
Rabaa miyirkayga kugu
Marayoo inaan maqlo
Raadso magacaa X2

Maqsuuday intaan ku
Milicsaday intaad
Maqan tahay ma miyir
Qabo miisaanka noloshad
Mugeed tahayoo masuul
Wacan baad mudane
Tahay X2

Murugootay hadaad
Murugootay maalmo
Badnaa ma martiday
Laabtii ku martiday
Maceeda noqdoo
Ka daran sida malabki
Muudsoo mudsoo
Ka maydho wixii ku
Maray X2

Murugootay hadaad
Murugootay maalmo
Badnaa farxadeed
Mowjada farxadeed
Marqudhaato qalbiga
Muxubada ku manshe-
Yoo ka maydho wixii
Kusoomaray X2

Exit mobile version