dareen qiirada jacayl
quluubta aan kuugu shubo
qibrado xiisaha kalgacal
quseeya aan kuu dhigee
gacalo u qushuuc xubiga

gobaad tahay qaaliyow
qiirada caashaqa yaqaan
qadariniyo haybad ku le
nolosha taad la qaybsatana
qanciye kuu bixin lahayd

qof yahay aan la quudhi karin
quraysh soo daahirtiyo
qoraxda nuurkeediyeey
bogayga ma ku qalaa
qalbiga ma ku seexiya

wiilyahaw lagaa qawadin
qarniga hanadkiisiyow
qormada sharaftoodiiyow
dhiigayga qayb ma kuu shubaa
qalbi ma quusiya niyada

Exit mobile version