xamareey meel naftu xulatay
xamareey meel xisku doortay
xamareey meel i xasilisay
agtaliiliyo dhul xariira

xaruntii dalkee waan u xiisay
xamarweyniyo bud xalanay
xaafad hodaniyo xaryaaley
xamar bila iyo xulkii dobina

adaa xamaray xaqiiq ku tabaay
adaa xamarey xiskayga ku weyn
adaa xamarey xurmo iga mudan

xamareey taan u xadrooday
xamarey tii xilka mudataay
xamaraay taan xor ku nuugay
xigta jasadiyo xiskii udugaay

xaruntii dalkee aan u xiisay
xamar jajabiyo xushmadiinay
xafa shifisiiyo xero boon dheera
xamar jandiiniyo xulkii daara

Exit mobile version