xariirtii dunidaay
midaan xeer dhiganayeey
xurmaad iga mudantahoo
xaqaaga ma gudi karee

adaan raga kaa xushoo
xiskiyo maankaba dagee
intaan xabsi kugu qufulo
miyaan xero kale dagaa
xabiibi mid kale dhahaa

dadbaa jira xaasidoo
intaa xin abuurayoo
xumaan ka shaqaynayee
xanaanee caashaqoo
xerta iyo culimada u yeedho
jacaylka xirsiga u goo

wanaaga ma xoorayoo
xisaabi dareenka
xumbo iyo xiiso waa gudhaane
xadhiga u adkee camiir u adkee
xertiyo culimada u yeedho
jacaylka xirsiga u goo

hankaygaan kugu xidhoo
waxaad tahay xuural cayn
xarago ku dhamaatayoo
ildheeriyo garassho badan

xalaal dhaladaw ma huro
xilkaaga amaanta oo
xad dhaafbaan kuu jecloo
xarfaha magacaagabaan
intaa xusayaa anigu

waxa jira xiisihii
nimcooy igu kaa xidhoo
xabiibii ma maarmayee
xertiyo culimada u yeedho
jacaylka xirsiga u goo

wanaaga ma xoorayoo
xisaabi dareenka
xumbo iyo xiiso waa gudhaane
xadhiga u adkee camiir u adkee
xertiyo culimada u yeedho
jacaylka xirsiga u goo

Exit mobile version