Waxaad ii tahay ilays
Iftiin noloshayda haga
Waxaa ii tahay awood
Ifkaan kali ku jeclahay

Qof baan ahay kuu ildaran
Ilmeeya markuu ku tabo
Waxaan ahay uunka idil
Arwaax kaligaa kuu nugul

Adaan ikhtiyaar la'aan
Naftaba kugu aaminee
Qudhaa ku ilaashatee
Miyaan ku ilaawayaa

Waxaa ii tahay laxaad
Wiilasha aragiyo indhaha
Waxaa ii tahay itaal
Dhegaha unugiyo wadnaha

Indheer garad baa tahoo
Ragaba adigaa u mudan
Adaa nafta oon tiroo
Ruuxdaad ila maamushaa

Adaan ikhtiyaar la'aan
Naftaba kugu aaminee
Qudhaa ku ilaashatee
Miyaan ku ilaawayaa

Exit mobile version