qofkan dheeliyow ka jiro dhayalsiga
hadaan u dhawaa isagu iga dheer
anoo dhaawac qaba qofkaan dhaylahaa

anoon dhuuni helin qofkaan dhargi laa
anoo dheel dheel ku qaba dhakafaar
midkaan dhis lahaa haduu i dhibsaday

dhabtii lama dhibo ma dhawri karee
miyuu dhaqso orod ku dhaaf islahaa
miyuu kala dhiman ka dhigay noloshii
dheeshuu igu waday maxayba lahayd

intaan dhaqasho isaga u dhax laha
wixii dhaliiliyo ku dhagan reeboo
dhawaaqa hadalka dhag xumo ii dheer

anoo dhuuxiyo dhiiga kuu shubay
anoo dhaansaday anoo dheefsaday
axdiga dhidibkii nacabkii kala dhimay

Exit mobile version