aroos weeyi bilanoo
boqorkii jacaylkiyo
bureeqaa is helayoo
bandhigoodii weeyaan

axdigiyo balantii
ma burburin wacadkii
biladbaan gudoonsiin
guurkoodan bilan

beel daaje cadnaan
bureeqooy samsamey
rabi waxaan baryaayaa
badhaadha aduun
ku baashaala abidkiin

waa bishaaro caawoo
badhaadhadiyo qayrkiyo
buladiyo ciyaaraha
bahdii caashaqaa tumi

bixiniyo garoowiyo
bari iyo nugaaliyo
baladkii kismaayaad
ku baashaali doontaan

Exit mobile version