dhowr riyaad bad gud dabnayde
yaad gaboobine guursaban lahaa
guri samayso talo ku gooste
sowtan gees kale ila guurtey
sida la ii galaa garowsan maaye
geeri doortee maanta aan go'o

hadaan gashaadtimood ku gaadhin
kolay gayaanked geed u joogta
yaad gaboobine guursaban lahaa
guri barwaaqo ubad ku gaadhe
sawtan geedkiyo gadhka la ii sudhaa
geeri doorte maanta aan go'o

gorob sidaan galay oon qudh goyay
gooniyoo is raadshay
gacal waxay laba iiga gaare
garana maayo waxan geyste
garbo duuba la i gundoonsada
geeri doorte maanta aan go'o

gadiid cidlaaba ani iyo gooshu
gacal ku nahayoo isku garanaa
gebi aan fuulna geeska taagno
waxaan la qaylaa galowga qaylshe
rabi guulow garkan igu xidhan
galadaadu ha iga goysee

Exit mobile version