haatuf igu dhawaaqyee
dharaartu habeen ii tahayee

hurdadu soo jeed ii tahayee
hadhkayguna adiga uu yahayee

oo aan haabhaabto ma ogtahayee
dabeed ku hungoobo ma ogtay

hadii aynaan is arag heedhe
inaan is hiifaayo ma ogtahaye

haatuf igu dhawaaqyeey
naftaydu haloow tahay

haadkuna wehelkayga yahayee
hawada ula duulo ma ogtahay
oo aan holon waayo ma ogtahayee
dabadeed ku hungoobo ma ogtahay

Exit mobile version