waxa dhaba naftaydiyo
niyadaydu inanyahaw
inay kuu nuglaadeen
adna aanad nudubkiyo
kaba dhawin nabarada

waadigan nafiidhiyo
ii diiday neecaw
iyo hadal naruuro ahee
maanaa nasteex gayineey
iyo nuurka caashaqee

nafta malaga qaade
naxariis ka dheertee
iga daa nitaaqada
naxli kuuma quudhee

niyadaydan kuu dagan
nabarada ku yaaliyo
waxaad naar afuuftaba
nabdigayga may galin
inyaroo nactooyo ah

sharaf midaan lahayn
ama nacas i mood ani
wax kastoo niyaystaba ee

qalbi aad ku nabantaybaa
abidkaa ku nici karinee

Exit mobile version