hadii aad jarmaadood
jacaylkeenii burisay
adigoon jixin jixin
hadaad juuqba daysay

cakuye jabkayga
jano adigu moodoo
jiradaad abuurtaan
jalkii qaadan waayay

maankaad jibaaxdaan
ka dhayaa jaleecada
inkastoon jirabanoon
awgaa usoo jabay
noloshayda kaa jaray

hadii jikaariyo
jujuub aad aloostoo
jirjiroole qaabkii
hadaad jaanta ii rogi

markaan kuu jiboodaad
jawi kale samaysee
nabsigu haduu jiro
jawaabtiisa waad heli

Exit mobile version