jaceylkii ina hantiye
labadeenaa kala helay
wali wan u heesaa
habeen iyo dharaartii
hurdada iyo soo jeed
had iyo jeer hamigiisu
ima daynin
anigoo hooreeyaan
wali hoobeeyaay leyahay
hoobeey hoobeeyaa
wali hoobeey leeyahay

hadalka iyo heedhaada
ayaa hugunka laabtayda
hadba kaa dhageystaa
haybadaada iyo quruxdaada
ayaan hir iyo laaceeda
sida hogosha
soo haaboo leeyahay
anigoo hooraan
wali hoobeeyaay leyahay
hoobeey hoobeeyaa
wali hoobeey leeyahay
hoobeey hoobeeyaa
wali hoobeey leeyahay

Exit mobile version