daymadaa aragaaga
deeqow indhayaga
ku doogsin jiraa
basaasay dartaaye
maxaan uga dooshay
docdaa u hayaantay
duxdii hadalkaaguu
dawoo u ahaaye
naftii dugsanaysay
maxaad uga daysay

waakiila u digtoora
wataadba daraato
dar aale u ahaydee
qalbigan darayaysan
miyaanad dareemin

dareenka jacaylka
ka doob dhabanaaya
wadnaha dacalkiisa
ayaa dabra maankee
miyaad igu daawan
oo aad igu dayrin
dookhiyo kalgacaylku
dabay ku shidaanee
qudhaydani daashay
miyaadan u dabcaynin

Exit mobile version