inagoo qalbi xaadhanoo
laabteenuna tahay xariir
xujo iyo ceeb la aa
kalgacalkeenoo xasilay
qilaaf xaqadaaci kara
ama kuu noqda xariir
xilkas ma samayn karee
xanteenu ha dhawrsanaato

dadnimo kuu xidhiidhsanba
xumaan kaa dawayn kartee
xanaaqeeniyo cadhada
intaan xal u raadinayno
xabiibi ha sii fogaan

jacyl ku dhismay xalaal
xusuusbadana ka tagay
nolol iyo xaas ninkaa
xil iyo la wadaagayoow
xabaal mooyee kolnaba
hadaan xag la kala tagayn
xadhig lama wada jaree
wuxunba la xeeriyaa

Exit mobile version