Riskaan kugu qaabilee
Ridadaad kaga nabad gashee
RABAAN kugu dhaariyee

Rafiiqnimadeena dhawr
Aan wada raaxaysanee
Ragaal kugu soo bixiyo
Rogaal celin ha igu dilin

Halkaan ramadkii ku furay
Ku rayso adoo ragragan
Naftaydana raali gali

Rugtuu ku dhaqaaqay iyo
Naftiisa halkuu la rabay
Miyuu ramad kuugu dhalay

Riyada kuu hoorta iyo
Runtii rayskiyo nimcada
Anaa kula raadiyoo
Ku raacay inaad heshee

Exit mobile version