dhirtaba qaarbaan la goosan
midhaha guudkooda saran
aadmiga kala gobaadsan
raguna kala gayaansan

wax dhiba anigoo aan gaysan
xidhiidhka dhexdeena goysan
waataad sheekada gorfaysan
iila timid sidii ruux garawsan

waxaan ahay gaban hogaansan
hidiyo dhaqankii garaysan
ariniyo talo ii gawaansan
waligay Kuma guuldaraysan

naftaydii ku mooday gacalsan
waxay ku ilowday goorsan
ragana waxaan ka guursan
nin ragoo adi kaa gayaansan

anoo caasahqa la gaaxsan
kaligaa adi kuu go'doonsan
inaan yagleelno gurisan
adaa diidoo garmaamsan
inaan yagleelno gurisan
adaa diidoo garmaamsan

gar ALLEE waxa aad I raadsan
markuu nafsigoo giraansan
ku helo adoo ganaaxsan
xaqiiqda adaa garawsan

waxaan ahay gaban hogaansan
hidiyo dhaqankii garaysan
ariniyo talo ii gawaansan
waligay Kuma guuldaraysan

naftaydii ku mooday gacalsan
waxay ku ilowday goorsan
ragana waxaan ka guursan
nin ragoo adi kaa gayaansan

Exit mobile version