anigoo haligayoo
hamigiisa caashaqa
kaba hawl yaraystoo
ka hadh galay dareenka

sow heego curatiyo
hogol iima di'inoo
naftu haakah may odhan
taydiina maan hurin

hibo EEBE weeyee
hadiyadii gudoomee
adna tayda hooyoo
hoobaanta ila guro
adna tayda hooyoo hooyoo
hoobaanta ila guro

hawlaha aduunyadu
hadhkaa labada galin iyo
hal galgalatay weeyoo
qofna haybsan maayee

xaqa kii u hiishee
ku hagoogta diintee
RABIGAY hanuunshaa
darajada nasiib heer

hibo EEBE weeyee
hadiyadii gudoomee
adna tayda hooyoo
hoobaanta ila guro
adna tayda hooyoo hooyoo
hoobaanta ila guro

Exit mobile version