adoo shibta iga yidhi
sheekadaada iga jaray
maxaan shaa mareeroon
dhiba sheegan waayay

qalbigii haa qalbigii
qalbigii aahaahaa
adi kuu shifaysnaa
kaa shaleeyay maantoo
shabaqaad dhigaysaan
shalay aan ku dhacayee
shabaqaad dhigaysaan
shalay aan ku dhacayee
hooy hooy

kuma shaafin karayee
sheekadaadan iga daaa
anuu kaa shiraacdee
ha i sheegan abidkaa

adigoo aan shiixayn
sharaftayda dhawrayn
maxaan sheed ka ooyoo
ilmo shagax iga tidhi

kalgacayl haa kalgacayl
kalgacayl aahahaa
kalgacayl i shiiliyo
shuush igama guuree
shidaad ii horseedoo
sharadbaad i galisee
shidaad ii horseedoo
sharadbaad i galisee

kuma shaafin karayee
sheekadaadan iga daaa
anuu kaa shiraacdee
ha i sheegan abidkaa

yala yala yala yala yala
rux yaa rijaaal yala

Exit mobile version