toostiyo xanuunkii tiicay aawadaayoo
talax gabay aawadaa ana waan ku tabaya
tubtii aynu jeexniyo tacabkaan astaynee
ha takoorin noloshoo ha ku taagsan caashaqa
talo waa ta eebee taada uun ma noqotee
ku tusoo dariiqii kuu tilmaamay dariiqii
adnaa ha igu talax tagine
aarkuba tudhaalaha tudud geela oo culus
iyada oo ka taag daran marbuu toocsadaa cawl
ana yaan tabaalada tiiraanyo waa hore
kula tiigsan xeerkee tuska ooda iga qaad

Exit mobile version