jacayl waa baayo hoof
jar dheerbuu kaa ridaa
adoo qardo jeex u maraybuu
hadana kaa janjeedhsadaa

waxan jarihiisa adag
laab la kaca qalbi jiitamaba
anigoo caashaqa u jeeda
waxaan jixin jixo ka waayaba

hadaan jeegaanta roobkiyo
dhex tago jid barwaaqa leh
halkuu calafkaygu jiriyo
hadaan jaalahaygii helay
ha jabin calafaw ha jabin
ha jabin caashaqaw ha jabin
ha jabin waligaaba joog

jacayl waa daranyahoo
cidluu kuu jamaadiyaa
adoo daal jimicsanayuu
nasiibku kaa jeedsadaa

waxaan jaleecada kalgacal
jaalqaaf kala habawnaba
waxaan jaran jaro lahayn
hawada soo jiidh idhaahdaba

Exit mobile version