casharbaan qorayaa
cilmi aan ku leeyahay
waan cadaynayaa
eraygii ku cidhiidhya adigee
ii calaamadeya
carabkaaga ii mariya

waa cajaayib duniduye
way cibaaro badantee
culays inuu ku fuulo
cabsi mayna kaa hayn
casaankiyo dhalaalkani
cimrigiiba jirayaa

hadaad caasiyowdoo
cishqigii dhexdeeniyo
curyaamisay kalgacalkii
kugu ceebsan maayee
CAADILKII na uumaan
caawinaad ka sugayaa

cilmiyahaw aduunyadu
waa ceryamo baasoo
cisii kii lahaa shalay
ama laga cabsoon jiray
oo codkiisa oo qudha
dadku casharoobi jiray

ayaa maanta sida cawl
cararaya banaankee
cidlada waxa baday
cadawgii uu beertee
calool ku fayoobayd
adaa cudurka galiyee

Exit mobile version