Dabayluhu way isitaan
Duufaanadu ima dhigaan
Badwaynbay dooniduna ilasii durkaysaa
Halkaa malab LA iigu daadshey waa dushaadoo
Waxaan daydayaa waa adiga
Aawadaa daalee
Dawee nabarada qalbiga
Dabiib boogtiyo wadnaha
Dareen meesha iigu daran
Walow ay durugsantahay

Dibindaabyiyo waxaan balaayiyo qabo xanuun
Daryeel iyo nolodha ugu diiday raaxoo
Dantayda a an ku seegay doonistaadoo
Daraadaa ugu haraaday waa danteenee
Dawee nabarada qalbiga
Dabiib boogtoyo wadnaha
Dareen meesha iigu daran
Walow ay durugsantahay

Exit mobile version