naftu kay jeclaatow
niyadaydu raacdow
nasiibkaygaan ku helayo
ka noolaaday kalinimo

mataano naftaydiiyow
niyada ku raacdoo
nasiibkay ku helayo
ka noolaaday kalinimo

maankiyo naruurada
farxad naawilaayaa
looga dhigay nasiino
qalbigu ku nabanyay

ALLAHAYOW nimciyo khayr
nasteexiyo badhaadhe le
nolol caafimaad liyo
kuwa nabad ku waaree
ku nagaada naga yeel

nabaradi i damqanayee
i naafeeyay bari hore
nasribaan ka baan heloo
indhaha ku nuursadee

kama bado nusqaanoo
siduu iigu naban yay
ana ugu nugulahoo
nafta waan u hurayaa

Exit mobile version