khadiijaaay gobaadtihiyo
gaari sharaf wayne
murtidii haweenkaadtihiyo
ruux garaad badane
quruxdana RABAA kugu galaday
guudka kuu sudhane

waajibkaagii waad gudatay
kula gudboonaaye
bilad geesibaad mudantihiyo
waliba geeraare waliba geeraare

gabigood hablaha soomaalaa
guusha kuu qiraye
duco aan gaboobayn Ayaan
kugu galbinayaaye
nacab Kuma guhaadshoo marwoy
cadawgu Kuma gaado

khadiijaay adoo kalaa
marna guda abaalkee
gurigaad ku ababtiyo
rugtuu EEBE kugu uumay
goobtaad ku dhalataa ahayd
gogol barwaaqeede

waalid kugu gardaadshaad lahaydo
joogay garabkaaga
bilad geesibaad mudantiyo
waliba geeraare

gabigood hablaha soomaalaa
guusha kuu qiraye
duco aan gaboobayn Ayaan
kugu galbinayaaye
nacab Kuma guhaadshoo marwoy
cadawgu Kuma gaado cadawgu Kuma gaadoo

Exit mobile version