dabiibkayga noloshiyo
daawadeyda igu socotay
darbieyga adaa geeya
iigu dooxan anigoo
madaxayga dushiisaa
iga joogtaaaaaaaaa
damaha iyo durkiyo
wanaaga daafta imid
yuusan naga daadanoo
dantu ya baylaha noqo
danteydii xeeshii
anaa dooshey maalmoo
dulqaadkiyo adkeysiga
dushaa ugu xambaartoo
dayxa uga hadheeyoo
farxad baan la darisnee
samaha noo durkiyo
wanaagaa daafta yimid
yuusan naga daadanoo
dantu yay baylah noqon
noloshaan ku diirsadey
degenaan ta reerkiyo
jaceylkeenan daahirkaa
madagtaad ku daartoo
ku doojisay wanaagoo
adaa dabka ushidey
samaha noo durkiyo
wanaagaa daafta yimid
yuusan naga daadsaoo
dantu yay baylah noqon
dooqiiyo kal gacalkii
wuu igu darooroo
malbaa ku daahnoo
dibnahaan usaarnoo
ducadaa waalidkaeeniyo
diintaan ku dabarnee
samaha noo durkiyo
wanaagaa daafta yimid
yuusan naga daadano
dantu yay baylaha noqon

Exit mobile version