qalbiga sowba salaax habeenkii ku seexiyoo
naftana sasabuu ku yidhi saakuu kuu imanayaaye
intaa samir iilahaw

hadanaa saqda dhexe hurdada sardhada anigo ku jira
ayuunbaan salalayaayo saskiyo riyadaa igu badan
sahwiga waxa iigu wacan codkaagiyo suuradii
intoo la ii sasawiro salaantiyo sheekadee
kalgacalkeenii sugnaa haday sahal moodayaan
sifaha ma iloobi karo
sideenoo kale cishqigu labadu isugu sidka
dadbaa salidoo la raba samaanta dhexdooda taal
inay kala saydhiyaan
miyuuse iga suulayaa jacaylkaan kuu sida
saakuu igu daranyohoo si waynbaa la ii haya
aday sanbabada wadnuhu oo aad saaxiib latahay
sadriga ay kugu hayaan xusuustaaduun sidaan
sareedaan kula jecloo samaanban kula rabaa
sidaydoo kale ahaw

wakhtiga salawgiisa iyo sunida saawaha ka jira
sareeyaan kuu baryaa sulaaqmoo aawadaa
dharaartaa ii sanada warkaaga sooryaiyo
aniga soor iiga dhigan suldaarada waayihiyo
kalidu yaykaa salsalin

ruuxaygaa kula socdoo anigu salka kama fadhiyo
sareediyo imashadaadan saadaaliyaa

samiyo wada joogideena sadriga waligaa ku hay
jacaylkeenii sidoo sinaba yuu kaaga lumin

Exit mobile version