Nafyahay xeerbaad lahayd
Xaqdhowr jira baad lahayd
Xanaano dhan baad lahayde
Jacayl xardhaban baad lahayde
Xabiibi runbaad lahayd
Xulasho dookhbaad lahayde
Xubnahoo kuu soo hilooba
Qalbigoo ku xusaad lahayde
Xiskaad u ahayd dagaan
Hadaan rago xeer lahayn
Haween ku mudnayn xaqdhowr
Jacaylku miyuu xasili

Xog iyo xaalbaan la,aa
Xugbaa I hafeefiyoo
Intaa aan la xiiqsanaayee
Xaraaradiibaa ikacdoo
Xad dhaafbaan kuu jeclaayoo
Xiisihiibaa igu bate
Halbawlaha xididkee
Xawaaraha dhiiga wada
Xubnaha uun siinayee
Hadaan rago xeerlahayn
Haweenku xaqdhowr mudnayn
Jacaylku miyuu xasali
Inaan xumo kaa ilaasho
Xididka kalgacayl ilaasho
Xaqiiq weeyaan midaasi
Hadaan xalanow jacaylka
Dhamaan xulay waaxyahayga
Kuxidhay maankiyo dareenka
Inaan gogoshaa xaadho
Xariir ubax kuu dulsaaro
Ayaan xaashee rabaaye
Hadaan ragu xeer lahayn
Haweenku mudnayn xaqdhowr
Jacaylku miyuu xasali

Anigu xubibaan sidaa
Jacayl xusanbaan wadaa
Adaan xilo kaa rabaayey
Waxaad tahay xuural cayn
Xarago ku barbaartayoo
Xishood loosoo dhigee
Xareedii iqaboojisay
Allow isha xaasidkiyo
Ballaayada kaa xijaab
Hadaan rago xeer lahayn
Haweenku xaqdhowr mudnayn
Jacaylku miyuu xasali

Exit mobile version