Shaw waxaan u jeel qabay
Shaw inaynu jaarnoo
Shaw jidhkaygii baad tahayeey
Shaw jaleecadaadaa
Shaw ijiidanaysoo
Shaw nimaan jantaa tahayeey
Shaw midaan jikaariyo
Jirabad aqoonoo
Shaw ila jidaa tahayeey
Shaw nimaan jareexiyo
Jawaab adag
i odhanoo
Shaw ila jiraa tahayeey
Jacaylkeenu kii jira
Jacalykeenu kaan jabineey
Jirid wayn alaw noqoyeey
Shaw waxaan jaraysnayn
Shaw adaa ijalayoo
Shaw xilo janaa tahayeey
Shaw jaahayga nuurka ah
Shaw adaa la joogoo
Shaw jawi saxaa tahayeey
Shaw midaan u jiibi iyo
Hees beena jilaynoo
Shaw jalaqsan baa tahayeey
Shaw nimaan jalaafada
Jara iga ridaynoo
Shaw i jara baraa tahayeey

Exit mobile version