suurada dugsanayniyo
daymadii indhaha iyo
daawadi kalgacalkaa

gamcahaaga xaada leh
markaan soo xasuustaba
xanxantoodaye

sida laaluf faxay
dhaqan kugu noqde
kaalayoo iga dul qaad

hawlbaad i badao habaabay
wan halaabaye hilow
waa la ii adimay
axaadisibaa ku eegaye

alaalaxdiyo muuqii
waxay u haysteen
dayaxoo hogiisii
ka soo baxay halbaarke

dumar tii u sidatee
dookhaygu raacay
xubintii dareenkee
miirisay nafataydaay

amaraley uurkaad ku taala
amaraley
amaraley oridaydii noqotey
amaraley ubad aayo tiiniyo
amaraley udugood wadaagtane

jiliilicada quruxdiyo
inantaan majeertay
muuqaagu wacanaa

liibantu waa ma is afgarana
laabtu kalgacalkuu hadhsadee

wadka waad u samirtaa
wixii muuqda waa qabo
weheeg maajano kale
waraaqaha la qorayiyo
wargeysyadaa aduunyadani
waydiimahaygii
kama helin jawaabo
wacan kama wareysane

calafka sidiisaba
nasiibka u sahanoo
waa sareedo caashaqu
haduu helo sadkiisaba

adaan koonka kuu jeclahay
qalbiga kalibaad ku tahay
karaaman kuu hayaayo
korkaad ii saarantahay

bal maxay indhuhu
kaa eegayaan
bal muxuu afkuna
ku amaaanayaa

Exit mobile version