bilantii nafteydaay
taan badanka laabtiyo
ka jeclaadey beerkaay
taan baahideydiyo
boholyowga aan qabo
ubukooday waayadan
barkimada u aale
bastey aan u gaadhee
mar hadaan bogsoonaneyn
misana baahi kuu qabo
bar bartaaga qabo oo
balantii dhexdeeniyo
wacadkii ha baal marin
boqoradii habloo idil
bilantaan ka doortee
igu bilic wacneydee
bal balkiyo kulaylkiyo
dabkan iga baxaayoo
boogahan damqanaayo
adaa bakhtiin karaa
qalbigana bogsiin kara
marhadaan bogsonayn
misana baahi kuu qabo
barbarkaaga qabo oo
balantii dhexdeeniyo
wacadkii ha baal marin

Exit mobile version