dhuuxayga jacayl ku raagay dartaa
raaxadii ka jaroo rafaad ku hayee
naftaydii ku raacday way ku rabtaa
rajiyo wax la sugo ma raali gashaan

ra'yiga gali beeni raad malahoo
waxaan run ahaynba ways rogrogaan

ragiyo dumar waa rafiiq waligood
labaan kala raysan oo isu roon

Exit mobile version