ooftayda bidixdiyo
uurkaan ka jeceloo
way ii ahaatoo
ma ilaawi karayee
ruuxaan arkaa
ma istaahilbaa

edabtiyo xishoodkay
aadmiga wax dheertoo
erayada kalgacalkay
yay odhan taqaanaa
ruuxaan arkaa
ma istaahilbaa

Exit mobile version