dalku waa dalkaygii dadku waa dadkaygii
duugayga noloshana cid aan uga danbeeyoo
inan doorka la i tarin duruufihii dhaca i baray
damac iyo hinaasiyo biqi maaha noloshuyee
ninka taa dareensani dib ha u liqo candhuufta oo
dibnaa ceel ha raamsado

ninkaan daris wanaagiyo inaan laba dal noqoniyo
samuhu aanu deeqinoow waxba ha ii danaynine
cirka sare bal soo dumi

markadagoo hulaaqmayee sida daawo shiilma ah
dadkuu kala eryaayoo cayayaanka duudkiyo dacalada
ka saarani dacalada ka daataan
digsibaa haduu karo daboolka iska qaadee
nin xajiin udibad baxay hadaladu dal dala iyo
deel qaaf ma guulbaa

Exit mobile version