xalaybaan riyada uun
xaruntaad ku hoyatiyo
xaafadiina tagayoo
ku lahaa xabiibaay
dabaysha xagaaguna
dhaxantu ku xoortoo
xiisihii jacaylkuna
xalin waayay tiisii

oo xuduud ku celisiyo
jirin meela kaa xidhan
ooy hadal xasaasiya
kugu tidhi si xishoodle
ladanoow kaalay

xubnihii dareenkiyo
laabtaada xaadhan
xoog u eegeen
kaligaa xisaab li i

xumaan waayaha aduun
xuubkan indhaha rogay
sawa kaligii u xidhan
dharkuu xalay ku jiibsaday

anoon dumar xaalayn
xogtoodii ka gaabsaday
xubigiyo jacaylkuna
rag qalbiga xarbinayaa
dabaysha xagaanu
kolka uu ku xooraan
xaya oo badwayntuna
hadba way ku xayiraan

xiligiyo jacaylkuba
ku xumaa waayadan
adna maadan xaalayn
by masuul.com

Exit mobile version