Aduun cidhif ilaa cidhif
Intaan ciida soo maray
Waxa caynba cayn dumar
Cadaaniyo madawba leh
Calmashada kalgacalada
Adaa canab la moodyeey
Kaa caleemo saartee
Cadradii la sheegoyo
Malaha xuural cayntii
Rabi igu casuumee
Igu caawiyaa tahay

Haween caam ahaantood
casrigan hablaha kacay
Midii iga cajabisee
Caqligiyo garaadkaba
Cayn kastoo la eegaba
Cashar tii u noqotee
Qurux lagu ciseeyaay
Cadradii la sheegiyo
Malaha xuural cayntii
rabi igu casuumee
Igu caawiyaa tahay

Exit mobile version