Dhulkoo dayr barwaaqiyo
Daahyaale helayoo
Durdurkiyo xareedii
Daad xoorta reebeen
Oo dooxada ugbaadka
Doogii idiis baxay
Ubaxuna dilaacoo
Isha daymadeedii
Aragtida ma daashee
Arunimo la daawaday
Ximirkoodina wali
Isagoon dabayl wadan
Ku darbeeyay galabnimo
Daafaha biyaha simay
Qurux daawashada gud
Damaashaadka xiisaha
Sida loogu diirsadaay
Dubkaygiyo lafaha iyo
Dahrigaad ku faaftoo
Nafta daahir ku jecele
Daadihi kalgacalkana

Exit mobile version