Inuu dookhu sahan yahay
Ka dab qaata aragtida
Duxa uu kalgacal dhalo
Adiguna i deeqdoo
Daymadaad u roontahay
Ay tahay daraadii
Waxaan kuu dul joogaa
Inaynu isu dabacnaa
Qiimaha dadnimo tahay
Isla fahanku door yahay
Dantu tahay lamaanaha
Ismacil Ahmed Aw Muuse
Inuu dookhu sahan yahay
Ka dab qaata aragtida
Duxa uu kalgacal dhalo
Adiguna i deeqdoo
Daymadaad u roontahay
Ay tahay daraadii
Waxaan kuu dul joogaa
Inaynu isu dabacnaa
Qiimaha dadnimo tahay
Isla fahanku door yahay
Dantu tahay lamaanaha

Inuu hadal dubaaxiyo
dambar iyo labeen yahay
Daadihiyo caashaqa
Adna dumar ka rooneeey
Qalbigaad dawaysoo
Niyadaa diyaar u ah
Daris inaad la noqotee
Inaynu isu dabacnaa
Qiimaha dadnimo tahay
Isla fahanku door yahay
Dantu tahay lamaanaha

Exit mobile version