Dir ahaan gobaa tahay
Dunxariira baad tahay
Quruxdana daruuriyo
Dayax soo baxaad tahay
Kalgacayl dubaaxoo
Danbar iyo labeen laan
Ana kuugu deeqee
Qalbi furan ku daadihi
Niyadana usii daa
Ha dayicine qiimee
Ana waan dugsiyayaa

Dumar boqorkii baa tahay
Nasab daahiraa tahay
Quruxdana darmaan faras
Dahab shiilan baa tahay
Jacayl malabkii doocaan
Damcadiyo macaankii leh
Ana kuugu deeqee
Qalbi furan ku daadihi
Niyadana usii daa
Ha dayicine qiimee
Ana waan dugsiyayaa

Exit mobile version