Saacidadii aan ku qabay
Wanaagii ma saydhine
Sidaad ii ogoydbaan
Ugu sidaa gacmaha wali
Saxalkiyo mariiqiyo
Xidigaha sideeda ah
Saaca waxan eegaa
Sad inaan wadaagnee
Salaankan aad fuushiyo
Iga daa sigsaagiyo
Ila qaado samihiyo
Saxadiyo barwaaqada
Adaan kula sugaayee

Samaantii kalgacalkaay
Wadnahaygaad sudhantoo
Sidii baan sareedaay
Kuu saadaaliyaa wali
Dayaxuna socotadiisii
Dirirkii ma seerayn
Gaadmaduu la sugayee
Waakaa sagaalkii inoo gude
Salaankan aad fuushiyo
Iga daa sigsaago
Ila qaado samihiyo
Saxadiyo barwaaqada
Adaan kula sugaayee

Exit mobile version