Sida ubaxa dayreed
ama oogta waabari
Nin arkaa ilmeeyee
Inantaa quruxdediyo
Eegmadaa kalgacalka leh
Ilayn ii ahaatee
Iyadaa hablaha
iga deeqdayoo
Ifka ugu jeclee
Igu sin allahayoow
Adigaa awoodee

Ilwaadeey adigaa
halbawlaha abaaroo
Ililaha wadnaha iyo
Inta dhiiga qaadiyo
Agagaarka beerkiyo
Uurkaad ku taalaa
Afkan amaanaya iyo
Naftan u ildaran
Iyadaa u ehelee
Igu sin allahayoow
Adigaa awoodee

Exit mobile version