Qorax sii dhac galabeed
Sagal midabli qariyoo
Qarka waqal ku dadanyoo
Quruxdooda gaarka ah
Qooraansi eegmada
Lagu mood qudhoodii
Nafta kuu qushuucdee
Ila qaybso caashaqa
Ila qabo hareeraha

Sida qaydar hawroo
Qod madheedh ku ladhan yahay
Qotomaan xareedii
La halmaasha qaayaha
Iyo qiimahoodoo
Qalanjooy i deeqdee
Nafta kuu qushuucdee
Ila qaybso caashaqa
Ila qabo hareeraha

Exit mobile version