Sanga meel barwaaqa ah
Sanad nabad ku daaqoo
Saymiyo colaad arag
Oo farawgu saarmoo
Sabarada baruur ku leh
Sagal iyo daruureey
Dayax soo baxaayiyo
Saacoo iftiimaay
Si allena inoo maqan
Adna wacadka sal u yeel

Seermawaydo rooboo
Soon iyo dad oon qaba
U hilaacday subaxoo
Soo baxay ugbaadkii
Simantahay xareeduna
Saaciyo dhul dooglaay
Dayax soo baxaayiyo
Saacoo iftiimaay
Si allena inoo maqan
Adna wacadka sal u yeel

Exit mobile version