VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Boodhari - Lyrics

Caashaqa haween waa lohuu caadil soo rogaye sayidkii carshiga nuuray iyo caliba soo gaadhye cidlo lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe waxa caynba cayn looga dhigay hays cajabiyeene soomaalidaa caado xumo iguma caydeene way.. Abuteeristi waa gooni maree cishi keenaya badoow waaridkii naaree serigii doo mareenaya sidii geel haya moox badan hawdka miranaayey ama harar la soo joojiyoo kuraygu heesayo hoobey loo qaaday iyo hadal walwaaleedka hadii hawl yaraan idin la tahay aniga way hooge hebla markaad tidhaah daan ba waan soo hinqanayaaye abuteeristi waa gooni maree cishqi keenaya badoow waaridkii maaree serigii doo mareenaya midii aad hurdada uga go'daye gama kuu diiday midii aad gayaankaba unac daye garabka eegaysay midii nabarka kuu gaysatay halista u gaadhay galabtaba hadii ay kaa tag tayoo gacanta ka taagtay nacas eehadi ay kaa tag taye gacanta ka tagtay hadaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaye nafyahay guuldaradu haysata hay gunuunucin dheh abuteeristi waa gooni maree cishqi keenaye badoow waaridkii naaree serigii mareenaya hadii qurux la daawado in uun aadmi ku qancayo ama ili wax qaba nayso oon lagu qaboobayo anigaba qadran soo arkiyo qararkii hodane hablayahow halki qoomanayd baad i qabateene qalbigaan bugsiinaayey baad qac iga siiseene qosolka yar yari waa waxaad nagu qaldaysaane inaan ebbahay idin qatalin baryo la tuugaye
Queue is empty
-- / --