VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Boodhari mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Omar Dhuule
Boodhari

Caashaqa haween waa
lohuu caadil soo rogaye
sayidkii carshiga nuuray
iyo caliba soo gaadhye
cidlo lagama beermeen
dadkoo cuudi waaxidahe
waxa caynba cayn looga
dhigay hays cajabiyeene
soomaalidaa caado xumo
iguma caydeene way..
Abuteeristi waa gooni
maree cishi keenaya
badoow waaridkii naaree
serigii doo mareenaya
sidii geel haya moox badan
hawdka miranaayey
ama harar la soo joojiyoo
kuraygu heesayo
hoobey loo qaaday iyo
hadal walwaaleedka
hadii hawl yaraan idin
la tahay aniga way hooge
hebla markaad tidhaah daan
ba waan soo hinqanayaaye
abuteeristi waa gooni
maree cishqi keenaya
badoow waaridkii maaree
serigii doo mareenaya
midii aad hurdada uga
go’daye gama kuu diiday
midii aad gayaankaba unac
daye garabka eegaysay
midii nabarka kuu gaysatay
halista u gaadhay
galabtaba hadii ay kaa tag
tayoo gacanta ka taagtay
nacas eehadi ay kaa tag
taye gacanta ka tagtay
hadaad dhimato geeridu
marbay nolosha dhaantaye
nafyahay guuldaradu haysata
hay gunuunucin dheh
abuteeristi waa gooni
maree cishqi keenaye
badoow waaridkii naaree
serigii mareenaya
hadii qurux la daawado
in uun aadmi ku qancayo
ama ili wax qaba nayso
oon lagu qaboobayo
anigaba qadran soo
arkiyo qararkii hodane
hablayahow halki qoomanayd
baad i qabateene
qalbigaan bugsiinaayey
baad qac iga siiseene
qosolka yar yari waa waxaad
nagu qaldaysaane
inaan ebbahay idin
qatalin baryo la tuugaye

codkii Omar Dhuule